Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo la kulmay Xildhibaanno ka yimid Turkiga

Date:

Guddoonka Aqalka Sare ee Dalka ayaa maanta la kulmay wefdi ka socda Baarlamaanka dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo sida loo xoojin lahaa.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.

โ€œGuddoomiyaha Aqalka sare iyo wafdi la socday waxa ay tegeen xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay kula kulmeen wafdi Xildhibaanno ah oo ka yimid dalka Turkiga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta taageerada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, kaasi oo ku soo dhamaaday guul iyo isfahamโ€ ayuu yiri Cali.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa xusay in Xildhibaanada ka yimid dalka Turkiga ay Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo gudbiyeen mahadcelin, waxaana ay ka codsadeen in wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha ay booqasho ku tegaan Dalka Turkiga.

โ€œGuddoomiyaha ayay u soo gudbiyeen casuumaad ku aadan in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay soo booqdaan Dalka Turkiga, Guddoomiyihuna wuu ka aqbalay arrintaa in sanadkan gudiisa ay tegaan Dalka Turkiga, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinacโ€ ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...