50 ruux oo lagu toogtay dalka Mareykanka

Date:

50 ruux ayaa  ku dhimatay , 200 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday Hoteel ay ku Cawaynayeen dad fara badan oo ku yaal magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Halkaan oo ahayd Hool Dusha ka furan oo ka tirsan Hoteelka Mandalay Bay oo ah goob loo dalxiis tago. ayaa waxaa ka socday Masraxiyad Faneed.

Ninka hubeysan oo lagu magacaabayay Stephen Paddock oo 64 jir ahaa ayaa rasaas ka soo riday dabaqa 32aad, halkaasoo ay ku yaallay masraxa weyn ayna ku sugnaayeen kumanaan ruux oo ka qeyb galay Xaflad Muusik.

Booliska ayaa aqoonsaday ninka la tuhunsanaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana toogtay ciidamada.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump horaantii bishii January.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...