Guddoomiyaha Shabeellaha hoose oo sheegay inay degan tahay Xaalada deegaanka Bariire

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in xaalada deegaanka Bariire ay degan tahay, isla markaana aysan jirin dagaalo ka dhacay.

Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay Deegaanka Bariire, isagoo sheegay in Maleeshiyada Al shabaab ay shalay tiro yar oo Madaafiic ah ku soo tuureen deegaanka, balse aysan geysan wax khasaaro ah.

Ibraahim Aadan Najax ayaa sidoo kale xusay in Maleeshiyada diidan Hormarka iyo Nolosha shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan qarxiyeen Buundada deegaanka Bariire oo muhiim u aheyd isku socodka gobolka oo muddo aad u badan soo shaqeyneysay, wuxuuna balanqaaday inay ka shaqeyn doonaan hormarka deegaankaas, shacabkana ay ka codsanayaan inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Tan iyo markii ay Ciidamada dowlada la wareegeen deegaanka Bariire, waxaa aad u soo hagaagaya amaanka, iyadoo shacabka ay si u soo dhaweeyeen Howlgalo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen deegaanka Bariire iyo Nawaaxigiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...