Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir

Date:

Ciidanka xasilinta amniga caasimadda, ayaa xalay howlgal amni sugid ah, waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Juungal ee degmadaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga caasimadda, iyadoo ciidanka intii ay howlgalkaas ku guda jireenna la arakayay ayagoo aad u feejigan isla markaana dadka xaafadaha ku sugan ula dhaqmaya si wanaagsan.

Xaafadaha howlgalada xalay ciidanka amniga ka sameeyeen, ayaa waxaa ku sugnaa maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana ciidanka guri guri u baareen xaafadda Juungal ee degmadaas.

Ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa intii howlgalka ay wadeen waxaa ay soo qab qabteen dad la tuhunsanaa oo dhalinyaro u badan hase ahaatee baaritaano lagu sameeyay dadkaas intooda badan waa la sii daayay.

Tan iyo markii la bilaabay howlgalada ay sameynayaan ciidanka xasilinta caasimadda ayaa si weyn waxaa u soo hagaagay ammaanka magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...