Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Canada

Date:

Booliiska dalka  Canada ayaa xirey nin Soomaalia ah oo weerar ka geystay banaanka hore ee garoon ciyaaraha ah oo ku yaala magaalada  Edmonton ee dalkaas ninka booliiska ay ku sheegeen in uu asal ahaan Soomaaliya ka soo jeedo ayaa gaari weyn ku weeraray dad waddada ku lugeynayay isagoo sidoo kale mindi ku dhuftay dad joogay garoonka ciyaaraha.

Shan kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la dhigay isbitaal kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan, hase ahaatee lama shaacin aqoonsiga tuhunsanaha ama dadka dhibaniyaasha ah.

Marlin Degrand,  oo ah taliye ku xigeenka booliiska dalka Canada ee loo yaqaano Royal Canadian Mounted Police,  ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu ka soo jeedo Soomaaliya isla markaana uu ahaa nin magangeliyo doono ah.  Booliiska magaalada Edmonton iyo kan  federaalka ee Royal Canadian Mounted Police ayaa ka war hayay xogta ninkan. Degrand ayaa sidoo kale sheegay in ninkan 2015  lagu arkay fekrado xagjirnimo ah isla markaana booliisku su’aalo weydiiyeen hase ahaatee ninkan ayaa beeniyay waxyaabihii lagu eedeeyay.

Taliyaha booliiska magaalada Edmonton Rod Knecht  ayaa dhankiisa sheegay in ninka la tuhunsan yahay gaarigiisa laga heley  calanka Daacish. Laakiin saraakiisha ayaa sheegay in weerarkan uu u muuqdo mid uu keli ku ahaa.

“Ogaalkeena, kani waa weerar bahalnimo ah oo keli ku ahaa ,” sidaa waxaa sheegay duqa magaalada Edmonton Don Iveson.

Knecht ayaa tilmaamay in booliiska  Edmonton oo la shaqeynaya kan federaalka  ee Royal Canadian Mounted Police iyo laamaha kale ee amniga ee dalka Canada ay gacanta ku hayaan kiiskan isla markaana dadka looga baahan yahay in ay feejignaadaan kana war hayaan waxyaabaha ku hareereysan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay garab taagan yihiin dadka magaalada Edmonton ka dib weerarka argagaxiso ee halkaas ka dhacay isagoo tacsi u direy saraakiisha booliiska ay ku waxyeeloobay weerarkaas iyo dadkii ayagoo ciyaar daawanaya la beegsaday.

“Ma ogolaaneyno – mana u ogolaan doono –  in bulshadeena lagu kala geeyo weeraro argagaxisinimo .Waxaan ognahay in isku xirnaanta bulshada reer Canada in ay ka timid kala duwanaanshaha, nama cabsi gelin doonaan kuwa fulayada ah ee doonaya in ay na kala qeybiyaan isla markaana lagu beereya cabsida ,” sidaa waxaa yiri  Trudeau.

Sidoo kale, war saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee looga aramiyo  ee dalka Mareykanka, ayaa lagu cambaareeay weerarkii ka dhacay magaalada Edmonton ee dalka Canada ” weerar argagaxiso oo fuleynimo ah ayaa lala beegsaday saraakiisha booliiska iyo dad waddada ku lugeynayay magaalada Edmonton”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...