Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulamay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Booqdayna Goobo Taariikhi Ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalaada Qaahira Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta  Axmed Abuu Geyd.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay Xaaladda guud ee dalka Soomaaliya  iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kordhin laheyd  taageeridda ay siiso Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda,Hormarinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka Dalka oo hadda maraya meel gabagabo ah.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinkii sedexaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo shalay xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay dhigiisa Dalka Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...