Taliyeyaal xilka laga qaaday iyo dad loo qabtay dhacdadii Xamarweyne

Date:

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in gaariga lala qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.

Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xusay in sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada xamarweyne.

Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...