Gudoomiyaha Golaha shacabka JFS oo kulan la qaatay dhigiisa Masar

Date:

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalinkii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa maanta xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay gudoomiyaha golaha Baarlamanka ee dadka Masar.

Labada gudoomiye ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee soomaaliya iyo Masar iyo sidii labada baarlamaan ay iskaashi wada shaqeyneed ay u yeelan lahaayeen iyo sidoo kale guud ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale labada gudoomiye ayaa wada yeeshay kulan ay goob joog ahaayeen gudoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee labada Baarlaamaan, ayagoo  isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarinta labada baarlamaan,waxaana isla goobta ay labada gudoomiye ku wada saxiixdeen heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen aragtiyada lagu horumarinayo  Baarlamaanada labada Wadan.

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galay kulan qada sharaf ah oo uu gudoomiyaha  baarlamaanka dalkan masar ugu sameeyay xarunta baarlamaanka Masar ,waxayna wafdiga gudoomiyaha ay sidoo kale booqdeen madxaf taariikho kala duwan ay yaalaan oo ku yaala Magaalada tan Qaahira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...