Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka kala tirsan Militariga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu wuxuu kala hadlay Taliyaha kaalinta Dowladda Turkiga ee kaga aadan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga  ka guddoomay fariin uu uga siday Madaxwyene Erdogan, taasi oo uu ku ammaanay hoggaaminta wanaagsan ee madaxda Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad naqaynaa Walalaha Turkiga isgarab istaaga  iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya,Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya waa mid la isku halayn karo, oo dhabta ku salaysan,waxaan ka codsanaynaa Dowladda Turkiga in ay ballaariso caawinaadeed Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha Ciidamo Qaran,waxaa jirta baahiyo loo qabo tababaro iyo qalabayn ay helaan Ciidamada Qaranka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha Guud ee  Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay uga dhabayn lahayd garab istaaga Soomaaliya,wuxuuna tusaale u soo qaatay dhismaha xarunta tababarada oo Muqdisho laga ay ka hirgeliyeen,taasi oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay dhismaha Ciidanka Soomaaliya,wixii kale oo dheeraad ah looga baahadana ay diyaar la yihiin.

Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in amarka lagu taageerayo dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya ay tahay mid ka soo baxay madaxwyenaha Dalka Turkiga Mr Erdogan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...