Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasbo rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdiga la socday ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii horumarkiisa la isaga kaashan lahaa.

Ku-xigeenka Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Shamrmarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulanka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimo u badan xaaladda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari ayaa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka iyo kuwa kale, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka midyihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeynta ee labada Baarlamaan.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray xarumo ku yaala magaalada Qaahira.

Sawir Qaade:- Cadnaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay 7 waddo oo interlock ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

WAR-SAXAAFADEED   Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad...

Wasiirka Shaqada oo furay mashruuc dhaqaale oo loogu talo-galay Qoysaska danyarta ah

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Ku-xigeenka Isboortiga oo daah-furtay tababar Garsoore oo loo qabtay Haweenka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Xildhibaan Dahabo Saciid...