Danjiraha Turkiga ee Somaliya oo ka hadlay Wada hadallada Dowladda F. S. iyo maamulka Somaliland

Date:

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, si toos ahna looga daawanayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, loogana dhageysnayay Radio Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Waxyaabaha uu ka hadlay Safiirka waxaa ka mid ah Wada hadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo dowlada Turkiga ay gar wadeen ka tahay.

Safiirka ayaa sheegay in wada hadalada dowladda F. Soomaaliya iyo maamulka Somaliland mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid Maadaama Soomaaliya ay ka dhacday Doorasho, taasoo si weyn ay ugu mashquuleen, sidoo kalena Maamulka Somaliland ay qorsheynayaan in ay doortaan maamul cusub, Safiirka ayaa balanqaaday markii ay dhacdo Doorashada Somaliland, oo maamulka la doorto uu xafiiska la wareego inay dib u balaabi doonaan Wada hadalada lana dardar galin doono.

Sidoo kale Olgan Baker wuxuu carabka ku dhuftay in Dowlada Turkiga ay ka war heyso in Hogaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo kuwa Somaliland ay si wadajir ah diyaar ugu yihiin in guul laga gaaro wada hadalada, si dhaqso ahna loo bilaabo.

Sidoo kale Wareysiga uu siiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Wakaaladda SONNA wuxuu kaga hadlay Doorashada Qof iyo Cod oo la rajeynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka, wuxuuna sheegay in Kaalin weyn ay ka qaadan doonaan sidii loo hirgalin lahaa, isagoo xusay in Turkiga uu balaarinayo aqoonta Guddiyada ka shaqeynaya doorashada, Tababaro badana ay siin doonaan.

Safiirka wuxuu balanqaaday in Dowlada Turkiga ay dadaal kasta u sameyn doonto sidii Doorashadaasi ay u guuleysan laheyd, Soomaaliyana ay ku garab taagan yihiin sidii ay kaga talaabsan laheyd halka ay joogto.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...