Faah-faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Mas’uuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkaSucuudiga  waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...