Faah-faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Mas’uuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkaSucuudiga  waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....