54 Guuradii Kasoo Wareegatay Aas Aaska Ururka Midowga Afrika Oo Lagu Xusay Kuwait+Sawirro

Date:

Kuwait,(SONNA):-Khamiistii Lasoo Dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneyd 18 May 2017 ayaa dalka Kuwait lagu qabtey Xaflad ballaaran oo lagu dabaaldegey 54 sano guurada ka soo wareegatay Aas-Aaska ururka midowga Afrika, waxaana habmaamuuska xaflada sanadkaan  hormuud ka ahayd Safaaradda Jamhuuriyada Soomaaliya ee dalkan Kuwiat, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dhammaan Safaaradaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika Ee Xarumaha ku leh Dalka Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Kuwait Cabdulqadir Amin ahna Hormuudka danjireyaasha oo khudbad ku jeediyay magaca Danjireyaasha dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Kuwait ayaa ugu horeyn Soo dhaweyn iyo mahadnaq ballaaran u jeediyay danjireyaasha iyo marti sharafta kale oo xafladda ka soo qeybgalay.

Danjire Amiin wuxuu si gaar u soo dhaweeyay Qoyska reer Sabbax oo ay ugu horeyso Sheykha Fariixa Al-Axmad Al-jabir Al-sabbax, oo la dhalatay Amiirka dalka Kuwait.

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Kuwait Amb Cabdulqaadir Sh Aamiin ayaa madasha ka jeedyay khudbad dheer oo uu kaga faallooday halgankii dheeraa ee Africa ay soo gashay sidii ay isaga dul qaadilaheyd Heeriyada Gumeystaha daldalanayay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku manneystay Qaaradda Afrika.

Mudane Amiin ayaa khudbaddiisa kaga hadlay horumarka dhanac kasta ah ee ay maanta ku tallaabasadeen madaxda qaaradda Afrika, gaar ahaan 54-kii Sano ee uu dhisnaa Ururka Midowga Afrika.

“Africa waxay maanta mareysaa in mashaakilkeeda dhan walba leh xaliso, iyadoon u baahneyn faragelin shisheeye, horumarka weyn ee dhinaca Amniga ee uu dalka Soomaaliya maanta gaaray, waxaa iska kaashada oo keliya Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo walaalahooda ka kala yimid dalalka Afrika” ayuu yiri Danjire Amiin.

Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Kuwait ayaa ammaanay doorka dowladda Kuwait ay ka qaadaneyso horumarka Dalalka afrika iyo mashaariicda horumarineed ee Kuwait ka fulinayso Africa oo uu kamid yahay Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada Kuwait.

Munaasibadda Waxaa Sidoo Kale khudbad ka jeediayay ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kuwait, isagoo ka hadlay xirirka qotada dheer ee Kuwait ay la leedahay dalalka Afrika iyo sida marwalba Kuwait ay diyaar ugu tahay xiriirka iskaashi ee kala dhaxeeya dalaka Afrika,

Madasha xafladda oo lagu soo bandhigay waxyaabo muujinayay Hiddaha iyo Dhaqanka Afrika ayaa waxaa si weyn uga muuqdey Qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Kuwait, sida Aqoonyahaka, Culima’udiinka, Haweenka iyo dhalinyarada.

W/D/ Cabdulqaadir Macalin Nuur “Kuwait”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...