Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Senatorka laga soo doorto Minnesota

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayer oo weli ku sugan Dalka Mareykanka ayaa xalay la kulmay Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka isla markaana laga soo doorto gobolke Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay.

Kulankani oo ka dhacay magaalada Washington DC ayaa Qoraal ka soo baxay xafiiska Senatorka lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Soomaalida oo ay ka mid tahay xannibaadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto iyo saamaynta ay ku yeelanayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee Maraykanka.

“Xanibaadda dhinaca socdaalka ah waxay dhaawacaysaa Soomaalida kunool Gobolka Minnesota,waan  dagaalami doono,waana  barbar istaagi doono bulshada Soomaalida ah ee kala maqan haddii xannibaaddan socdaalku ay hirgasho”, ayuu yiri Senator Franken.

Arrintan Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Senatorka ay ka wada hadleen oo ah xaiyaaradda dhanka socdaalka ayaa waxaa ay saameyn ballaaran ku yeelatay bulshooyin badan oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana dadaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu wax badan katari doona rajada shacabka Soomaaliyeed ee u socdaalaya ama ka soo socdaalayo Mareykanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...