Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Senatorka laga soo doorto Minnesota

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayer oo weli ku sugan Dalka Mareykanka ayaa xalay la kulmay Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka isla markaana laga soo doorto gobolke Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay.

Kulankani oo ka dhacay magaalada Washington DC ayaa Qoraal ka soo baxay xafiiska Senatorka lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Soomaalida oo ay ka mid tahay xannibaadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto iyo saamaynta ay ku yeelanayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee Maraykanka.

“Xanibaadda dhinaca socdaalka ah waxay dhaawacaysaa Soomaalida kunool Gobolka Minnesota,waan  dagaalami doono,waana  barbar istaagi doono bulshada Soomaalida ah ee kala maqan haddii xannibaaddan socdaalku ay hirgasho”, ayuu yiri Senator Franken.

Arrintan Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Senatorka ay ka wada hadleen oo ah xaiyaaradda dhanka socdaalka ayaa waxaa ay saameyn ballaaran ku yeelatay bulshooyin badan oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana dadaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu wax badan katari doona rajada shacabka Soomaaliyeed ee u socdaalaya ama ka soo socdaalayo Mareykanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...