Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula Kulmay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay Ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanaha, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Mareykanka, isla markaana uga mahad-celiyey Dawladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuuna xusay in xiligani oo ay dawladdu la tacaaleyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ay muhiim tahay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada dal.

“Dawlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay noo balan qaadeen dib-u-dhiska ciidamadda Soomaaliya ay door ka qaadanayaan”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Patrick Shanaha ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ayaa Dawladda Soomaaliya ku ammaanay kaalinta fir-fircoon ee ka qaadanayaan dib-u-soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka. Isla markaana uga mahadceliyey door kooda ku aadan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda diidan. Isagoo xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Danjiraha dalkeena u fadhiya Mareykanka.

—DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...