Madaxweyne Farmaajo oo Mushaarkiisa ka bixiyey mashruuc looga Faa’ideeyey Dad danyar ah.

Date:

Ilaa 100 qof oo danyar ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay  mashruucani indho fiiqista ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Soomaaliay C/qaadir Macallin Nuur oo dadkaasi ku booqday Isbitalka Yerdimeli oo ay gacanta ku hayaan walaalaha Turkiga oo kuyaala degmada Xamar Jajab ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha indho fiiqista ah oo uu madaxweynaha maalgaliyay.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto,sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo ,waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah,balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allahakaasiiyo,umadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto”,Ayuu yiri Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay,iyagoo sheegay in ay u tahay fursada ay heleen maadaam aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday in uu garab istaagi doono bulshada,iyadoo tani ay qeyb ka tahay fulinta balanqaadyadii uu madaxweynuhu  u sameeyey shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...