Hay’adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliya oo soo kordhisay Kulliyado la xiriira barashada sharciyada Badda iyo Farsamada Maraakiibta.

Date:

Kulliyadaha ay soo kordhisay Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin sharciga badda iyo farsamada maraakiibta ayuu sheegay Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hay’addaasi in xiligan dalku baahi weyn uu u qabo, hadii la xoojiyana ay sahleyso in laga baxo caqabado badan oo ka taagan dhinaca badda.

Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa tilmaamay in ardayda baraneysa kulliyadahaasi ay heystaan fursado wanaagsan oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Drs Maryan Aweys Jaamac ayaa muujisay in wasaaraddu ay ku howlantahay diyaarinta qorshayaal horumarineed oo dhinaca badda la xiriira.

In la helo dad bartay cilmiga iyo sharciyada badda ayaa sahlaya in la yareeyo xadgudubyo iyo kaluumeysi sharci daro ah oo la tilmaamo in lagu hayo qeyraadka baddeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu...

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...