Hogaamiyaha Jarmalka oo markii afaraad guuleysatay

Date:

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ay xilkeeda ku soo laabatay markii afaraad ka dib markii ay ku guuleysatay cod bixinta doorashadii ka dhacday Dalkaasi maanta.

Waxaa xisbigeeda Christian Democrats uu dib ugu soo laabtay aqlabiyadda baarlamaanka Jarmalka kadib markii ay heleen 32.5% boqolkiiba codadkii doorashooyinka federaalka ee dalkaasi ka dhacay .

Xisbiga SPD ayaa ah xisbiga ugu weyn ee ay is hayeen kaasi oo heley 20% codadkii la tiriyay doorashadii ka dhacday dalkaasi,halkasi

Xisbiga midig fog ee AfD uu markii ugu horraysay soo galay baarlamaanka, waxaana  uu heley 13% cod.

Sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashooyinka dalkaasi oo si rasmi ah goor dhow u shaaciyaya natiijada doorashada.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah sababtoo ah markii ugu horraysay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa waxaa  lix xisbi ay kuraas ku yeesheen baarlamaanka Jarmalka ee Bundestag.

Banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayay doorashadaasi oo ay ku guuleystaay Angalo Markle ayaa waxaa ay ka dheceen magaalada Berlin ee caasimadda Dalka Jarmalka iyo magaalooyin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...