Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Tacsi u diray ehelada marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir   Mudane Taabit  ayaa Tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan ooo maanta gacan ka xaqdaran ay ku dishay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeyso Isgooska Faloorance iyo kan Geed Jaceyl.

Marxuumka ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan ciidamada Amaanka Wadooyinka (Taraafikadda) waxaana Askari dilka geystay la hor keeni doonaa sharciga si loo marsiiyo cadaalada uu mudan yahay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan aan laga aqbali doonin in ay shacabka dhibaateeyaan isagoo sheegay in ay arintaasi dhaawac iyo dumin ku tahay Qarannimadda , “Askarta waxa ay ku mahadsanyihiin dadaalkooda lakiin malaga yeelayo in ay dhibaato u geystaan Shacabka Muqdishaawiyiinta ah” Sidaas Waxaa Yiri Mudane Taabit

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...

Soomaaliya iyo Jarmalka oo lala saxiixday heshiis horumarineed oo la gaaraya €75 Milyan   

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa magaalada...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud...