Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Tacsi u diray ehelada marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir   Mudane Taabit  ayaa Tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan ooo maanta gacan ka xaqdaran ay ku dishay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeyso Isgooska Faloorance iyo kan Geed Jaceyl.

Marxuumka ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan ciidamada Amaanka Wadooyinka (Taraafikadda) waxaana Askari dilka geystay la hor keeni doonaa sharciga si loo marsiiyo cadaalada uu mudan yahay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan aan laga aqbali doonin in ay shacabka dhibaateeyaan isagoo sheegay in ay arintaasi dhaawac iyo dumin ku tahay Qarannimadda , “Askarta waxa ay ku mahadsanyihiin dadaalkooda lakiin malaga yeelayo in ay dhibaato u geystaan Shacabka Muqdishaawiyiinta ah” Sidaas Waxaa Yiri Mudane Taabit

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...