Mogadishu(SONNA)-Waalidiinta reer Zimbabwe ee aanay awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha iskuulada lagu bixiyo(School fees) waxa ay ku bixin karaan xoolahooda sida ariga-kan cad iyo idaha ama shaqooyin kale ayey u qabanayaan iskuulada ay carruurtooda wax uga barto.
Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Lazarus Dokora ayaa u sheegay wargayska โSunday Mailโ oo dawlada taabacsan ย in ay iskuulada meel uun ku dheganaanayn marka ay timaado dalabka lacagta waxbarasho ee waalidka laga doonayo.
โWaa in ay aqbalaan iskuulada xoolo kaliya maahee ee ay sidoo kale ay adeegyada iyo xirfadahooda ay ku bedeshaan oo uย qaataan lacagta waxbarashada โSchool feesโ, haddii bulshada uu ku jira qof wax dhisaya waa in iyada ama isaga la siiyaa fursad uu uga shaqeeyo iskuulka loona qaato lacagta waxbarasha ee carruurtiisaโ, sidaas waxaa laga soo xigtay Wasiirka Waxbarashada dalkaasi.
Masโuul ka tirsan wasaarada ayaa ku sifeeyay hadalka Wasiirka in dadka ku dhaqan miyiga ay xoolaha ay iskaga bixin karaan lacagaha waxbarashada halka kuwa magaalada ku dhaqan ay ku bedelanayaan xirfadahooda oo ay u shaqaynayaan iskuulada.
Baarlaman Zimbabwe ayaa todobaadkan ku soo kordhay Bangiyada dalkaasi sharci u ogolaanaya kuwa wax ka amaahsanaya in ay diiwan gashan karaan hantida dhaq-dhaqaaqda sida gaadiidka, mashinada sida ay BBC-da Qaybteeda ganacsiga ku waramayso.
Zimbabwe ayaa ka jirta xaalad aad u daran oo dhinaca dhaqaalaha ah waxaana safaf dhaadheer oo saacado qaato loo galaa in Bangiyada lagala soo baxo lacago โCashโ ah waxana dadka dhaliila dawlada ay sheegayaan in ay jirto maalgeshi laโaan iyo shaqo laโaan.
Arrinta waxa ay noqotay sheeko aad looga hadal hayo gudaha dalkaas oo baraha bulshada sida Twitter-ka ayaa looga faanoolanayaa, waxaana dalkaasi ka taliya Madaxweyne, Ruber Mugabe oo dhalinta Africa ka samaysa hadalo maad ah.
Zimbabwe waxaa maalintii shalay ay u dabaal degtay sannad guuradii 37-aad ee ka soo wareegatay xiligii uu dalkaasi madax-banaanida uu qaatay.
Waxa Tarjumay oo isku duway:
Maxamed Cisman Cabdi โBlack Cobraโ
SONNA-Muqdisho
