Jawaahir Baarqab “Haweenku waxay gacan weyn ka qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab”

Date:

Muqdisho-(SONNA)- Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aannada dowladda ee ku aadan ciribtirka Al-Shabaab, la dagaallanka musuq maasuqa iyo faqriga, ayna diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan kaalinta uga aadan arrintaan

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in haweenku ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan kaalinta uga aadan sidii dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Marwo Jawaahir waxay xustay inay soo dhaweynayaan kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku tegayo xarumaha hay’adaha dowladda, si uu ugu kuurgalo hanaanka shaqo ee hay’adaha dowladda, waxayna ay ku tilmaamtay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa haweenka Soomaaliyeed ka codsatay inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda NIRA 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle...