Shir Looga Hadlayey Tayeeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho, 19, April 2017——Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhamaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.

Ugu horayntii Isku duwaha Mashruuca Maxmed Farax ayaa ka warbixiyey heerarka kala duwan ee uu soo maray iyo sida looga fa’iisaydatay mudadii uu jiray iyo mustaqbalka sida looga fa’iidaysan karo.

“Waxaa kulankaan u jeedkiisu yahay inaan la wadaagno Hay’adaha ka fa’idaysta mashruuca warbixina kasiino halka uu ka soo bilowday, hadafka laga leeyhaya iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada ka soo qayb galay. Waxyaalaha Mashruucaan qabanayo waxaa ka mid ah tayeenta shaqaalaha iyo awood dhisida hay’daha dowladda ee lafdhabarka u ah shaqoyinka maalinlaha ah, xoojinta iyo tageerida dhinacyada asaasiga u ah ka shaqeynsiitna nidaamka dowlaiga si loogu istaajiyo qaab wax qabad leh oo la wada dhan yahay, lehna isla xisaabtan qeybaha dowladda ee heer federal” ayuu yiri Maxamed Faarah.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cabdullahi Xaamud ayaa la hadlay saxaafada shirka kadib isagooona sheegy in madaama ay dhalatay xukuumad cusub ay lagama maarmaan tahay in xog laga siiyo wasiiradda halka u marayo iyo qaybaha ay ku leeyihiin mashruucaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha dowaldda ee ka soo qaybgalay kulanka xog siinta hay’adaha uu khuseeyo mashruucaan, waxaana dowaldda kala shaqeeya Bangiga Aduunka, waxaana mashruuca qaybtiisa hore laga hirgaliyey qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, Waxaan u qabanay shirkaan inaan ogaano meesha u baahan tayaynta” ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Mashruucaan ayaa waxaa ka fa’iidaysata Xafiiska Madaxweynaha, Xafiisaka Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, Gudiga Shaqaalaha Rayidka iyo Bangiga Dhexe, waxa kale oo mashruucaan ka fa’iidaysta qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka.

Mashruucaan ayaa wuxuu salka ku hayaa isbadalkii dhacay Augst 2012 oo Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladii KMG ahayd, waxaana shirkii Brusseles ee 2013-kii la isla qaatay in la hirgaliyo mashaariic ay dowladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, waxaana barnaamijkaan laga taakuleyaa sanduuqa loo yaqaan Somali Multi Partner Fund (SMPF) iyadoo deeqdaasna la soo marsiiyo Bangiga Aduunka.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...