Francisco Madeira” Dhalinyarada katirsan Al-shabaab haka faaiideystaan fursadda Dowladda Soomaaliya oo haka soo baxaan Al-shabaab”

Date:

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira, faah faahiyey Dagaalka Dowladda Federaalka  iyo AMISOM ay kula jirtaan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo halka ay marayaan Howlgalada xiligan socda.

Madeira ayaa muujiyey in si loo soo afjaro dagaalka Al-shabaab uu socdo qorshe weyn oo la xiriira sidii loo kordhin lahaa gulufka Argagixisada ka dhanka ah ee sida wadajirka ah ay u wadaan ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayuu uga mahad celiyey doorka wanaagsan oo ay ka qaadaneyso howlgalada Socda, waxaana uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed in dowladda laga taageero dadaalada socda ee meesha looga saarayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa u jeediyey Dhalinyarada kamidka ah Maleeshiyaadka  Al-shabaab in ay ka faaiideystaan dadaalada nabadeed ee ay waddo dowladda oo ay kasoo goostaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan rabaa inaan muujiyo mahadcelinteyda iyo sida aan u aqoonsahay dadaalka dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay sameynayaan, waxa ugu muhiimsan ee salka ah Nabadda iyo xasiloonida waa nabadda, bixinta adeeg bulsho dib u heshiisiin, awood iyo qayraad qeybsi, iyo in wax laga qabto muranka dhuleed ee jira, lana xaqiijiyo ammaaka.” Ayuu yiri Madeira.

“Waxaan kaloo rabaa inaan ka mahadceliyo dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta xubnaha Al-shabaab ka mid ah ee falalka Argagixisada kula kaca dadkooda, oo ay joojiyaan falalkan kuna soo biiraan dadaalka Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyada, kaasi oo dib loogu soo celinayo nabada laguna hormarinayo dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab si gaar ah ugu eedeeyey falalka ay kamidka yihiin Askareynta Caruurta oo uu tilmaamay in ay tahay dambi weyn oo ay galeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...