Wefdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Beydhabo

Date:

Muqdisho(SONN)-wefdi ay hoggaaminayso Wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed  oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad  Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Baay.

Wafdiga ay hoggaamineyso wasiirka  gargaarka iyo maaraynt  Musiibooyinka ayaa  kulan muhiim ah la yeeshay  Madaxwenaha Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya iyagoo kawada hadlay ka shaqaynta sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka magaalada ee ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen  iyagoo kormeeray xaaladda dadkaas.

Dhanka kale waxaa jira deeq dowladda Qadar ay u qeybin doonto qoysaska qaar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...