Taliyihii hore ee NISA oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad been abuur ah

Date:

Taliyihii Hore Ee Hay’adda NISA Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud Ayaa Beeniyay Warqad Been Abuur ah Oo Lasoo Dhigay Baraha Bulshada, Taas oo lagu Sheegayo in loo Magacaabay Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Gen Gaafoow Ayaa Sheegay in uu Garanayo Kooxaha Ka dambeeya Been Abuuka intaa la Eg, isagoo sheegay in ay ku suganyihiin Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Gaafoow Ayaa Nasiibdarro ku tilmaamay in La Muduufikeeyo Saxiixa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in talaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay.
“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada ayay ku suganyihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex suganyihiin Madaxtooyada iyo Hoteelada Ku yaala Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Gen Gaafoow.
Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nimaadka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soomaray halka maanta la joogo .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...