Maraykanka Oo Weli Wada Dib Usoo Celinta Soomaalida Ku Nool Dalkaas

Date:

Muqdisho(SONNA)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladda maraykanka  ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafuriyo Soomaali gaaraysa 4’000″ afar boqol oo kun oo ruux”.

Safiirka ayaa sheegay  in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.

“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha  Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yiri  Safiir Axmed Ciise Cawad .

Dowladda Maraykanka ayaa horay u diiday in dalkeeda ay ku noolaadaan dad ka soo jeeda 6 wadan oo soomaaliya Qayb ka ahayd waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay dalka dib loogu soo celiayay soomaali muddo ku nooleyd maraykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...