Roobab lagu diirsadey oo ka daโ€™ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Date:

Muqdisho(SONNA)-Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay ย ka daโ€™ay deegaanka koongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay ย qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.

Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada koongo oo la hadashaywarbaahinta Qarankaย ayaa sheegtay in Roobabku ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadahaย  isla markaanaย  roobku uu watayย  dabeyloย  xooggan.

โ€œ Roobkii shalay iyo xalay noo daโ€™ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaaย  kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahayย  caawimaadโ€ ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.

Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan ay kajirtu dalkaย ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale