Tirada dadka uu soo ridanayo Cudurka Shuban biyoodka oo korortay

Date:

Magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxa ku soo badanaya dadka uu soo ridanayo Cudurka Shuba biyoodka.

Dad fara badan ayaa haatan isbitaalada Magaalada Doolow la jiifo Cudurka Shuban biyood kuwa kalena wey u geeriyoodeen sida ay sheegeen dhaqaatiirta Magaaladaasi.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegtay kiiska cudurka shuban biyood uu si weyn u saameeyay dadka waa weyn, Haweenka iyo Caruurta isla markaana uu dhibaato ku haya shacabka Magaalada Doolow.

Dr Bishaar Xasan oo ka mid ah dhaqaatiirta Magaalada Doolow ayaa sheegay in hada dad kor u dhaafaya boqol ay la jiifaan cudurka Shuban biyoodka.

Waxa uu sheegay in qaarkood dadkaasi ay geeriyoodaan, waxa uuna Hay’addaha Caafimaadka iyo Maamulka Jubbaland ugu baaqay in ay gurmad Caafimaad la soo gaaraan dadkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...