Waxgaradka Degmada Balcad oo dalbaday in la joojiyo dagaal beeleedyo kajira halkaasi

Date:

Odoyaasha dhaqanka Degmada Balcad ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda ku dadaaleen sidii xabad joojin loo dhex dhigi laaha dhinacyadii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ku guuleysteen sidii xabad joojin loo dhex dhigi lahaa, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan deegaanno fog fog oo colaaddu ay gaartay.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan colaadda ka jirta tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhanka kale Ugaaska oo ka hadlayay abaarta ayaa tilmaamay inay biyo dhaamin ka sameeyeen tuulooyin, balse aysan ahayn kuwa dabooli kara baahida halkaasi ka jirta, waxaana uu codsaday in gurmad dhan waliba ah lala soo gaaro qoysaska ay abaartu ku saameysay deegaanno ka tirsan degmada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...