Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka oo sheegay in ay diyaarinayaan Shuruuc qeexeysa sida kheyraadka Dalka Loo Wadaagi lahaa.

Date:

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Shuruuc qexeyso sida ugu haboon ee Kheyraadka Dalka looga wada faa’ideysan Karo.

Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ay dejinayaan qorsho kala Xadeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya asaga oo sheegay in cid walbo Xaq ay leedahay uu noqon doono Mid cad oo aan mugdi ku jirin.

“Madaam uu dalka uu qaatay  Federaal waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qeexeysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay” waxa ay ka mid ahayd hadalada Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar.

Ra’isul wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumadda Cusub ay xoog saari doonto sida ay u dajin lahayd shuruucdii kala xadeyn lahayd dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhaxe asaga oo xusay in ay la kaashan doonaan khuburo calaami ah , ayagoo tusaalo ka dhigan doono dowladaha horay u qaatay Nidaamkan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....