Sababta keentay in diyaarado ka baxay Muqdisho lagu sii baaro Garoonka Wajeer

Date:

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in Diyaarado ka baxay garoonka Muqdisho oo ku sii jeeday Nairobi lagu leexiyay magaalada Wajeer.

Cillad Farsamo oo dhinaca maamulka ah awgeed ayaa keentay in labada diyaaradood lagu leexiyo magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, diyaaradaha ayaa waxaa ka dhimanaa warqado ay bixiso Wasaaradda Gaadiidka Kenya sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha duulista hawada ee labada dal.

Heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa dulimaadyada tooska ah waa mid shaqeynayaa isla markaana aysan jirin wax caqabad oo hortaagan, waxaana laga codsanayaa shirkadaha maamula diyaaradaha in ay qaataan warqadaha lagama maarmaanka u ah duulimaadyada tooska, sida warqadda duulimaandka waqtiyeysan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay si aad ah uga xuntahey waqtiga ka dhumay rakaabkii saarnaa diyaaradaha lagu leexiyey Wajeer, waxayna rajeynaysaa inaysan dhicin markale.

Hay’addu waxa ay caddeysay in wixii hadda ka dambeeya aysan dhici doonin arrinta shalay dhacday oo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim...

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...