Lacag dhan 1 milyen oo Dollar oo loogu deeqey Abaaraha Soomaaliya

Date:

Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka ayaa looga hadlaya dhibaatooyinka ka dhashey abaarihii ku dhufay Soomaaliya,iyadoo looga faa’idaysanayay hogaamiyaasha Dunida oo shir Caalami ah halkaasi uga qeybgalaya.

Waxaa goob joog ahaa madashaasi,madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama,Ra’iisul Wasaaraha Kanada,Bilgates ninka ugu taajirsan Adduunka iyo Xaaskiisa MalindaGates,ganacsato iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,iyo fanaaniin lagu magacaabo Love Army kuwaasi oo Soomaaliya u yimid si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.

Mudadii ay socotay xafladda ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan 1 milyen,waxaana lacagaaasi ilaa 1000 qoys mobiladooda loogu soo shubay min 1000 Dollar,iyadoo sitooas ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeybqaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyin abaaraha ah ee kajira Soomaaliya.

Bilgates iyo Xaaskiisa Malinda Gates ayaa intabadan waxaa ay qabtaan xafladaha nuucaan ah.kuwaasi oo loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka bani,aadanimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...