Qoysas raashin loogu qeybiyay degmada Doolow

Date:

Ku dhawaad 800 Qoys oo dan yar  Isla markana ku nool xeroyinka barakacayasha Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa ka faa’iidaystay Deeqdan rashinka oo ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana maanta laga qaybiyay qaar  ka mid ah degmoyinka Gobalka

Qeybinta raashinka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish Guddoomiyaha Gobalka Gedo Mudane Maxamed Muxumed, Xildhibaano iyo mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Dadkii ka faa’iideystay deeqda raashinka ah ayaa ka mahadceliyay kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed Aadan waxaa uu sheegay in ay gudoomeen raashinkii loogu talagalay Gobalka Gedo, ayna maanta ka qeybiyeen degmada Doolow.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish ayaa uga mahadceliyay dowladda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiisay dowlad goboleedka Jubbaland.

Deeqdan ayaa maanta la gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah oo ku sugan xeryo ku yaala magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...