Wasiir ku xigeenka Wasaaraada gaashaandhiga Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Colaad Rooble oo socdaa shaqo ku maraya Gobolada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya kana mid ah deegaana hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Wasiir C/laahi Colaad Rooble ayaa sheegay in ay wadaan xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya si dalka deegaanada ay kaga sugan yihiin maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabab.
C/laahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya xili uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ahna Xaruunta ku meel gaarka ah ee Maamulka koonfur galbeed ayuu faahfaahin ka siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.