Guddoonka golaha shacabka oo magacaabay guddiga loo xil saaray arinta Qalbi dhagax

Date:

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay magacyada guddiga loo xil saaray go’aankii xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa arinta C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax).

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaan ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaaraan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.

Waxaa lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda.

Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda koowaadna uu ku qabsoomo 21-ka bishan September.

HALKAN KA AKHRISO LIISKA MAGACYADA.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...