Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Xarunta Akaadeemiyada Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday Xarunta Akaadeemiyada Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo ku taal magaalada Muqdisho. Waxuuna balan qaaday in dawladiisu ay gacan ka gaysan doonto sare u qaadidda Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu maanta ku yimid xaruntan, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la soo nooleeyo dhaqanka iyo suugaanta..

Mudane Khayre wuxuu si wayn ugu dheeraaday ahmiyadda uu leeyhay dhaqankeena, ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay si wayn u adeegsato Af-Soomaaliga xiliyadda shaqada lagu guda jiro.

“Haddii aad rabto in dadkaagu ku noolaadaan Soomaalida aad jeceshahay waa in aad ku faantaa waxa tahay, waa in aad ku faantaa dhaqankaaga iyo dawladdaada”. Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u mahad-celiyey aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku howllan sare u qaadidda dhaqanka iyo Afka. Isla markaana wuxuu balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono baahiya ka jira xaruntan oo ka mid ah goobaha loo baahan yahay in si dhab ah looga shaqeyo hirgelintooda.

—-DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...