Carruur ku dhimatay dab ka kacay guri ku yaal magaalada Kismaayo

Date:

Shan carruur ah oo isku qoys ah ayaa maanta ku geeriyooday dab ka  kacay gurigooda oo ku yaal magaalada Kismaayo,  iyadoo dhacdadan ay aad uga argagaxeen dadkii deegaanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Dalxiiska Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaa la sheegay in hooyada dhashay carruurtan ay ku xirtay guriga, iyadoo dhar dhaqid u aaday xaafad kale, si ay nolol maalmeed ugu raadiso.

Wararka ayaa sheegaya in shanta carruur ee geeriyooday uu ugu weynaa 6 jir, halka kan ugu yar uu ahaa canug naas la nuujinayay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in cilad ka dhalatay koronto ku jirtay guriga ay isu bedeshay dab gebi ahaanba qabsaday gurigii ay ku jireen carruurta.

Hooyada dhashay carruurta ayaa la sheegay in markii lagu wargeliyay in carruurteeda ku dhinteen dab ka kacay guriga ayay suuxday,waxaana loola cararay isbilaalada Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka kobaad ee jubaland Maxamuud Sayid Aadan  iyo Wasiirka Madaxtooyada Jubaland oo goobta gaaray ayaa uga tacsiyeey ehelada caruutii ku geeriyooday dabkii maanta ka dhacay guri ku yalaada magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay  in ay ka Maamul ahaan garab istaagi doonaan  qoyskii ay ka baxeen caruurta waxaana la qeybsan donaa murugada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...