Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka Sida.

Date:

Muqdisho, 16 Seb, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.

—-DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...