Wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo bilaabatay

Date:

Waxaa goor dhow bilowday wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedya Hirshabeelle, iyadoo ay u soo baxeen labo musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale, kuwaasi oo wareggii kowaad ee tartanka kala helay codad dhan 45 Maxamed Cbadi Waare halka musharax labaad uu isna helay Daahir Cabdulle Cawaale 20.

Waxaa tartanka isaga haray ilaa iyo lix musharax.

Xildhibaannada ayaa markale u codeynaya musharixiinta isugu soo haray tartanka wareegga labaad ee xilka Madaxtinimada ee Hirshabeelle.

18 mudane codadkooda ayaa halowday kaddib markii uu sheegay guddiga doorashada inay hareer martay sharuucdii doorashada u degsaneyd.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Abuukar Bacadle ayaa ku so waramay in adeeggii korontada ay ka tegtay hoolka ay doorashada ka socotay, balse aan loo joogsin ciladda yar ee ku timid korontada, ay si habsami leh u socoto doorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...