Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yusuf-Garaad Cumar Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mukhtar Mahad Daa’uud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.

Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...