Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geeridii suxufi Abdullahi Osman Moalim

Date:

Mogadishu, 13 09 2017: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo dhaawac ka soo gaaray qaraxii Beledweyne, maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Inaa Lillaahi, Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana qoyskii marxuumka, maamulka idaacada Codka Hiiraan iyo TV-ga Jubbaland iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo Muqdisho ku geeriyooday isagoo isbitaal ugu jirey dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn 10kii September 2017.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal naftooda u hura dalkooda, marwalbana ku shaqeeya daruufo aad u adag, waxeyna naga wada mudan yihiin inaan u wada istaagno taageeradooda iyo sidii aan u kobcin laheyn tayadooda, xirfadooda iyo aqoontooda si ay u sii labo jibaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...