Hadal jeedinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta bilaabaneysa

Date:

Hadal jeedinta musharaxiinta Hirshabeelle ayaa maanta ka bilaabanaysa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo Musharixiinta ay mudanayaasha u jeedin doonaan qorsheyaasha u degsan.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa shegay in  maalintada sabtida ah ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, taa oo ay u tar tamayaan musahraxiin dhowr ah.

Afhayeenka  guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle  Cabdiwlei Sheekh Cali ayaa tilmaamay in ay xilkaasi u tartamayaan ilaa iyo sideed musharax, kuwaasi oo ay guddoonsiiyeen shahaadooyinka muujinaya inay u taaganyihiin xilka Madaxweynaha Hirshabeelle:-

Musharixiinta ayaa kal ah

  • Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.
  • Cabdikariin Cali Nuur.
  • Daahir Cabdulle
  • Maxamed Cabdi Waare.
  • Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).
  • Cabdinaasir Shirwac Maxamed.
  • Maxamed Caruush Diirow iyo
  • Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

 Afhayeenka ayaa xusay in musharixiinta ay maanta oo Arbaco ah hortegi doonaan Baarlamaanka Hirshabeelle si ay ugu sharxaan waxyaabaha u degsan inay qabtaan marka ay ku guuleystaan xilka Madaxtinimo ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...