Maamulka Gobolka Gedo oo ka warbixiyey Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baledxaawo.

Date:

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn la eegtay Maleeshiyadii Shabaab waxyar un kadib markii ay Weerarka ku qaadeen degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Duqeyntaasi ayaa la rumeysan yahay in khasaaro naf iyo maalba ay ka gasoo gaarto Maleeshiyaadka oo laga gubay Gaadiid dagaal, ka hor inta ay kasoo laaban deegaanadii ay kasoo duuleen.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi lagu gubay 3 ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Shabaab.

Maxamed Xuseen Al Qaadi  oo dhanka kale ka hadlay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Baledxaawo ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 13 ka mid ah argagixisada Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa bilaabay Weeraro lagu dhibaateynayo Dadka Shacabka ah, tan iyo markii dagaal looga saaray deegaanadii ay maamuli jireen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...