Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Deegaanka Far Libaax

Date:

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Far Libaax ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Jab xoog leh lagu gaasriiyay Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab oo dagaal xoogan kala kulmay dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Deegaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa bilowda sida Guddoomiye ku xigeenka uu sheegay ka dib markii Argagaxisada Al shabaab ay isku dayeen inay Jidgooyooyin dhigtaan meel kala barta Beledweyne iyo Far Libaax, ka dibna ay dagaal xoogan la galeen dadka deegaanka.

10 ka mid ah Maleeshiyadii Al shabaab ee dagaalka soo qaaday ayaa halkaasi lagu dilay, waxaana laga gubay gawaari, iyadoo kuwa kalena ay halkaasi isaga carareen.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana hada degan xaalada Deegaanka Far Libaax iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ee Al shabaab la dagaalamay ay dowlada ka codsadeen inay taageerto si ay haraaga Maleeshiyada kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...