Isbadal laga dareemayo wax soo saarka dalagyada beeraha

Date:

Beeraleyda ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in uu is jiro isbedel ku yimid dhanka wax soo saarka dalagyada gaar ahaan Liinta, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay qaar  ka mid ah gobolada Dalka.

Qaar kamid ah beeralayda oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan caqabado ka haysto dhanka iibka ee dalagyada ka soo go’a beerahooda, taasi oo ay ku tilmaameen in markii ay suuqyada keenaan laga siisto qiimo jaban, sababo la xiriirka qaabka kala iibsiga oo aan isku xirnayn ganacsatada.

Guddoomiye ku xigeenka uruka iskaashatooyinka Beeraleyda Gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed  Axmed  ayaa waxa uu warbaahinta Qaranka uga  waramay caqabadaha ka heysta ganacsigooda.

“Waxaa jira isbedel weyn oo dhanka wax soo saarka dalagyada, gaar ahaan, Liinta oo aan anaga soo saarno,balse waxaa dhibaato ay ka taagan tahay wixii aan juhdi ku bixinay maku heleysid qiimo u qalma,sababtuna waxay tahay suuqyada oo durba kaaga horeeya dalagyo kale,mana midaysna qiimaha,marka taasi ayaa dhibaato ay inaga haysataa”, Ayuu yiri Max’ed Axmed.

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ka mid yahay gobolada ugu wanaagsan xagga  wax soo saarka dalagyada beeraha oo inta badan dhaqalaaha dalka uu ku tiirsan yahay, balse beeralayda ayaa u baahan maalgelin iyo in la dhiira geliyo si loo horumariyo ganacsigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...