Taliska militariga Mareykanka ee Africa”Sedex Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerar ka dhacday Bay

Date:

Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...