Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Bankiga Adduunka oo Muqdisho kulan ku leh

Date:

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Bankiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku soo waramaya Wariyeheena C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta ku sugan .

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Bankiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Bankiga aduunka uu ku leeyahya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...