Tababbar loo furey ergada soo xuleysa golaha deegaanka Xudur

Date:

Doorashada golaha deegaanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa muddooyinkan halkaas ka socotay, shalay magaalada Xudur waxaa ka furmey tababbar loo furey 150 ergo oo soo xulaya xubnaha golaha deegaanka degmadaas.

Tababbarkan ayaa socon doona Lix beri, waxaana ergadaas laga soo xuley 10 qabiil oo degta degmada Xudur.

Barnaamijkan lagu dhisayo golaha deegaanka qaar kamid ah degmooyinka dalka ayaa waxaa maalgelinaysa Qaramada Midoobay, waxaase fulinaya dhowr hey’addood oo ay kamid tahay CRD.

Degmada Xudur, ayaa lagu bilaabay barnaamijkan dhismaha goliyaasha deegaanada, xilka guddoomiyaha degmada Xudur ayaa waxaa u taagan in ka badan 10 musharax oo uu ku jiro kan hadda haya xilkaas.

Musharaxiinta u taagan xilkan ayaa intooda ugu badan ah dhalinyarada wax soo baratay iyadoo guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo xilkaas soo hayay ilaa 2000 oo mar kale y taagan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...