Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yarsiisow oo booqasho ku jooga dalka Holandย ayaa kulan la yeeshay madaxa heyโadda socdaalkan aduunka ee IOM.
Wasiir Yariisow, ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka iyo horumarka socda. Sidoo kale masโuuliyiinta IOM ayay ka wada hadleen howlaha ay ka wadaan wadanka.
Mudane C/raxmaan Yariisow, wasiirka warfaafinta dalka ayaa heyโadda IOM u sheegay in loo baahan yahay in mashaariicda dalka ay ka fulinayaan ku saleeyaan baahida dalka ka jirta iyo qorshaha horumarinta qaranka.