โ€œFaalloโ€ Isbedel Aad loogu Baahnaa In La Arko!!!

Date:

Tan iyo intii ay Dhalatay Dowladda Shacabka ee ay Hogaaminayaan Mudane Maxโ€™ed C/llaahi Famaajo Madaxweynaha JFS, ย Iyoย  Raโ€™iisul wasaare ย Xasan Cali Khayre, waxaa guud ahaan wada Iftiimay wajiyada Dad fara badan.

Wajiyo niyad jabay, kana quustay in mar kale aysan arki doonin Qaran wada shaqayn ka dhaxayso isaga iyo ย shucuubtiisa, wajiyo in badan la dulminaayey oo shib isaga ahaa dhibaha ay u gaysanayaan Dad asaagooda ah , wajiyo la dhihi karo isbedelka wanaagsan ee maanta ka jira Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa u sabab ah, marka laga reebo doonista ilaah.

Haddii arintaas daliil loo raadiyoย  waxaa daliil nooga filan , horumarada dhinacayadaย  Ammaanka,sida dib uga xoraynta goobaha ay dulaysteen ee dalka ka mid ah Argagixida, kororsiimada Dhaqaalaha, La dagaalanka Musuqa, isdabamarinta iyo ย dib u hagaajinta kaabayaasha dhaqaalle ee dalka, wax u qabashada inta taagta daran sida Barakacayaasha iyo kor u qaadidadda Niyadaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed Rag iyo Haweenba.

Waxaa jira qorshe xukuumadda ugu talgashayย  2017- 2021 oo qeexayaย  hadafkii Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi ย Farmaajo ee Nabad iyo Nolol, ย kaas oo lagu soo koobi karo saddex qodob A- ka-guul-gaarista dalka sida la dagaalanka argagixisada B) Dhisidda hayโ€™adaha garsoorka. c) Kobcinta dhaqaalha iyo abuurka shaqada iyo shaqaalaha., , kuwaas oo lagama maarmaan u ah xasilloonida..

Dhinaca Amaankaย  waa udub dhexaadka nolosha, laโ€™aantiisna lama gaari karo wax horumar ah. Sidaas awgeed, sugidda Amnigu waa waajibka ugu sareeya ee saaran Dowladda, shacabkuna kula xisaabtami doono.

In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay fikir cusub iyo hannaan ka duwan kuwii hore, kuna saleysan geesinimo, dhiiranaan iyo goโ€™aan adeyg, si loo badbaadiyo Qaranka, Xukuumadda oo taas ka duuleysa, waxay abbaartay dhabbihii lagu heli lahaa hayโ€™ado Amni iyo Ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka.

Howlaha Dhinaca Amniga ee u qabsoomeyย  Xukuumadda waxaa ka mid ah:

  • Joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka hayโ€™adaha amniga, taasoo intii mudda aheyd aan suurtogeli jirin.
  • Ka guul-gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah, taasoo kordhineysa Nabadda iyo deganaanshaha Dalka;
  • Howl-gelinta Ciidammo u gaar ah Nabadeynta Caasimadda, kuwaas oo kormeerro iyo howlgallo joogta ah ka sameeya magaalo madaxda;
  • Qaadidda jid-gooyooyin sharcidarro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka, loogana qaadi jiray lacago sharci-darro ah;

Garsoorka Iyo cadaaladda:Dal aan laheyn hannaan hufan oo caddaaladeed ma gaari karo xasillooni, horumar iyo nabad waarta. Caddaalad darradu waa sababta keentay burburka iyo kala dambayn laโ€™ aanta.

Haddaba, Dowladi ma kasban karto shacabkeeda, haddii aysan lahayn Nidaam-caddaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka,isla markaan ilaalinaysa naftiisa, hantidiisa iyo xorriyaddiisa. Iyadoo taas ka duuleysa, Xukuumaddu waxay ahmiyad ballaaran siineysaa hirgelinta nidaam-caddaaladeed oo loo siman yahay waafaqsanna Shareecadaย  Islaamka, sida uu qeexayo Dastuurka, kana dhaqan galaysaย  dalka oo idil, si loo joojiyo gabood-falada iyo caddaalad darrada hareysay ummadda Soomaaliyeed.

Kobcinta Dhaqaalaha:-ย Xukuumadda FS ย waxaa ka goโ€™an in ay xoojiso dhaqaalaha dalka, iyo sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho la taaban karo.

Saboolnimada ka jirta Soomaaliya maโ€™ahan mid dabiici ah ย waxaa abuuray colaadaha, iyo xasillooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqotay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo danyarta, Dhaqaalaha dalku ma kobci karo haddii aan lala dagaallamin musuq-maasuqa, caddaalad-darrada iyo amni-xumada.

Howlaha u qabsoomey Xukuumadda FS ee dhanka kobcinta dhaqaalaha waxaa ka mid ah:

  • Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada khuseeya dhaqaalaha sida Sharciga Maareynta Maaliyadda, Sharciga Biyaha, Sharciga Beeraha, Sharciga Shirkadaha, Sharciga Istaatiistikada, Sharciga Kalluumeysiga, Sharciga Batroolka, Sharciga Badda iyo sharciyo kale oo khuseeya kobcinta dhaqaalaha.
  • Ka guul gaaridda soo celinta Astaanta Internetka ee Qaranka (.SO), taasoo noo fududeyneysa in aan la jaanqaadno isbedelka adduunka ee isticmaalka teknoolajiyada iyo internetka.
  • Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda, si loo mariyo habraaca iyo nidaamka Maareynta Maaliyadda.
  • Bilaabidda hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ah kii ugu horreeyay muddo gaareysa 35 sano

Gurmadka Abaaraha:Waxaa dalka soo maray abaaro baโ€™an oo soo jiitamaysay dhowr sano, taas oo dhibaatooyin baaxad leh u geysatay kumannaan qoysas Soomaaliyeed.

Abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku noqdeen jiritaanka deegaanno, duunyo iyo nolosha dad badan oo shacab ka mid ah. ย Xukuumadda oo kaashaneysa shacabka, waxay dusha u ridatay waajibka ah in si deg-deg ah wax looga qabto musiibooyinka abaaraha.

Howlaha qabsoomay dhanka Gurmadka Abaaraha waxaa ka mid ah, Dardar-gelinta howlaha Guddiga Abaaraha dhanka qaylo-dhaanta, abaabulka, uruurinta deeqaha iyo gaarsiinta deeqahaas dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,wax badana waa laga qabtay, inkastoo ay abaaruhu galaafteen dad iyo duunyo fara badan .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale